X

Ingiriiska oo sida Denmaak raba inuu dacwada qaxootiga ku qaado Afrika

Wasiirka arimaha gudaha Ingiriiska oo iyada lafteedu ka mida dadka magangelyada ku soo galay dalka ayaa rabta inay dadka soo galootiga ah ee magan galyada raba in dacwadooda lagu qaado Afrika.

”Waxaan eegaynaa sida Denmaak wax u wado sharciyan ayay tiri Hindiyadan ka timi Afrika markeedu hore, waxana dhici karta inaan xarun la wadaagno oo ay u jeedo dalka Ruwaanda oo shilimaad ku qaadanaya arintan.


Madaxda Yurub ayaa cambaareeyay falalka xagjirnimada ah ee Denmaak kula dhaqmayso dadka magan galyo doonka, ayadoo kuwo muddo joogey dalka oo nolol samaysay ay ka qaado sharciyada kadibna dib u celiso.

Ilaa hadda Denmaak kuma guulaysan inay qaxootiga jooga dalkooda ka qaado oo gayso Afrika si halkaasi dacwadooda loogu qaado. Talaabada xisbiga xagjirka ee hadda Ingiriiska ka taliya ku rabo inuu Denmaak ku biiro ayaa jabinaysa xeerka Yurub u yaala inkasto Ingiriisku Yurub ku jirin hadda laakiin uu qabanayo xeerka magan gelyo doonka aduunka.


”Uma malaynmaayo in Ingiriisku talaabadaas qaadi doono waayo hore ayay isugu dayeen inay minguuriyaan Ostaraaliya waase isku dayayaan markale, ayadoo dadka soo galaayay baryahan dambe ay ku imaanayeen doon.

Ingiriiska ayaa qayb weyn ka ah barakaca qaxootiga aduunka, sida uu lambarka koowaad uga jirey burburkii Somaliya.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.