London-Araabinews–Shir ay isugu imanayaan wadamada caalamka Muslim iyo mid aan mid aan Muslim ahayn ayaa looga hadlayaa sidii loo tirtiri lahaa argagixisada ISIL ama Daacish oo barakicisay kumanaan reer Ciraaq iyo Siiriya ah dagaalka foosha xun ee ay ku qaaday magaalooyinkooda.
Wadamada ka qayb qaadanaya shirkan maalinlaha waxa ku jira ilaa 21 wadan oo kala Maraykanka, Ingiriiska, Urdun, Kuwait, Qadar, Baxrayn, UAE, Ciraaq,Australia, Belgium, Canada, Denmark, Masar, France, Germany, Italy, Holland, Norway, Sucuudiga, Spain, iyo Turkiga.
Wadamadan ayaa dhamaan si guud iyo si dadbanba ay u saamaysay xasuuqa argagixisada ISIL oo ah koox dhiigmiirato oo ku qadhaabata diinteena suuban.
Waxay wadamadani iska kaashan doonaan sidii si wadajira loo tirtiri lahaa kansarkan aduunka Muslimka ku faafaya.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay