X

Ingiriiska Ruushka ku kibray oo ay soo wajahayso koronto la’aan

Waxa dhaqaale hoos dhac weyn ku dhacay Ingiriiska oo qayb weyn ka ah la dagaalanka Ruushka hawlgal khaasa oo gebogebo ka wada dalkaasi Yukrayn. Lacagtiisa oo fiicnayd dagaalka kahor ayaa hadda dhulka taala halka lacagta Ruushka ay tahay lacag aad u adag oo ka mida lacagaha sii xoogeysanaya dagaalka hawlgalka kadib ayuu yiri Xuseen Warsmae.


Sida ay qortey wargeyska afka dheer ee Yuhuudu qorto ee Sunday Times ayaa lagu sheegay in Ingiriisku wajahayo koronto la’aan xilliga qaboobaha maadaama gaaskii laga keenayay Noorway uu yaraaday ama la kala boobayo, taasina keentay inuu qaali noqon doono.


Halka reer Yurub inkastoo ay ku fashilmeen inay cunaqabatayn ay saaraan saliida iyo gaaska Ruushka, haddayba dhacdo uu faaiidada weyn uu helato Ruushku, taasina keenayso in Ingiriisku koronto la’aan ku dhacdo.



Waxa durba la farayaa shirkadaha gaaska badan isticmaala in la xiri doono halka warshado koronto dhaliya oo la xiri rabay loo kordhin doono waqtiga la xiri doono.

”Ingiriiska oo ah gobol ka mida Maraykanka ayaa u muuqda inuu ku daba jabay haddana ay soo wajahayso sixir bararkii ugu xumaa.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.