X

Laba musharax oo sheegay in dil loogu hanjabay oo ka degay Muqdisho

Waxa maamulka Hirshabeele ka socda doorashada waxa loogu yeero aqalka sare. Waxase maanta ka degay magaalada Muqdisho laba musharax oo sheegay in dil loogu hanjabay.


Musharraxiintan oo lagu kala magacaabo Cusmaan Axmed Macow iyo Cabdinuur Ibraahim Nuur ayaa ku eedeeyay guddoomiye ku xigeenka labaad ee barlamaanka Hirshabeelle oo garab ka helaya madaxweynaha Hirshabeelle in uu ololaynayo Xasan Iidow Maxamed (Kobac) oo ah musharrax kula jira kursiga ay ku tartamayaan.


ā€¯Naftayada ayaan ugala soo cararnay Jowhar mana filayo inaan ku noqon doono ilaa wax laga qabto xaalada Amni ee ka jirta halkaas ayuu yiri C/Nuur Ibrahim Nuur. Lama garanayo in cabashadan la xalin doono.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.