X

Madaxweynaha Turkiga oo soo faqay waalida iyo jaahilnimada madaxweynaha Faransiiska

Maxaad ku tilmaami lahayd nin wadan madax u ah oo aan fahansanayn xoriyada wax caabudka ulana dhaqmaya malaayiin Muslimiina sidan oo kale ayuu yiri Dayib Eruduqaan. Hadalka madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya kadib markii Makroon ku tilmaamey diinta Islaam mid qas ku jirta.


”Wuxuu degdeg ugu baahan yahay in lsaga laga baadho cudurka waalida ee maskaxda ku dhaca ayuu raaciyay Dayib Erduqaan.


Dagaalka Makron uu ku bilaabay Muslimiinta iyo diintooda ayaa sii xoogeystay markii nin u dhashay Ruushka uu midi ku diley haweenay macalimad ah. Ruushka ayaa sheegay in muhiimadu ahayn halka shaqsigu ka soo jeedo ee ay tahay halka xagjir looga dhigey.

Weerarka masjid ku yaal Jarmalka

Booliiska dalkaasi Jarmalka ayaa weerar argagixisnimo ku qaaday masjid dadku ku tukanaayeen salaadii subaxa, waxana aad u cambaareeyay madaxweynsaha Turkiga. Masjidka ayaa waxa ku tukanaayay dad Turki u badan. Turkida Jarmalka ayaa lagu qiyaasaa 6 milyan.

Jawaabta Maktoon

Madaxweynaha Faransiiska oo ka jawaabayay hadalka madaxweynaha Turkiga ayaa dib Turkiga ugala soo baxay safiirkiisa. Ka sokow hadalads nacaybka we ka soo baxay jaahil Makroon iyo jawaabta Erduqaan waxa labada wada isku diidan yihiin arimo aan diin shaqo ku lahayn sida kheyraadka Kiiniya iyo la safashada Faransiiska ee Giriiga.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.