Isku aadka ciyaaraha koobka kubadda cagta aduunka ayaa la shaaciyay. Waxa ka mida xidigaha isku aadka qaybinayay laba ciyaaryahan oo aad u qaaliya xilligoodii waa Belle oo u dhashay Braasiil iyo Maradoona.
Isku aadka ayaa loo qaybiyay ilaa sided kooxood oo min afara oo at kuwada jiraan qaaradaha aduunka.
Kooxda A Kooxda B Kooxda C Kooxda D Kooxda E
Ruushka Bortugal Faransiiska Arjentina Brasiil
Sucuudiga Ispayn Ustraaliya Aysland Swizerland
Masar Marooko Beeru Kureeshiya Costa Rica
Yurugway Ayrland Denmaak Nayjeeriya Seerbiya
Kooxda F waxa iyagana ku Jira kooxaha Jarmalka, Megsiko, Sweden, K/Kuuriya. Kooxda G waxa ku Jira Beljim, Baanama, Tuniisiya iyo Ingiriiska. Halka Kooxda H ay iyagana ku jiraa wadamada Bolan, Sinigaal, Kolombiya, iyo Jabaan.
Ciyaarta ugu horeysa ayaa dhacaya 14 Juun waxana lagu furayaa Ruushka iyo Sucuudiga halkaas oo la filayo in Ruushku ku durduriyo garonka weyn ee caasimada Moskovite.
Rashiid Ceelaanyo
ARAABINEWS