X

Isku day kooxda Xalane rabtey inay isku doorato oo fashilmay

Isku day ay rabeen kooxda Xalane oo adeegsata Rooble Baahane ayaa fashilmay kadib markii ay ogaadeen in xildhibaanada badankoodu ka soo horjeedaan in iyaga la dhaariyo xilli saaxiibadood maqan yihiin.


Waxa isla berito oo Arbaca ah u socda Baydhabo inta badan xildhibaanada ka soo jeeda gobolada Woqooyi iyo kuwa beesha shanaad oo dhamaantood qaba ku tumasho xaquuqdooda ah.


”Waa fashil weyn oo ku yimi kooxda Xalane ee adeegsata Rooble Baahane inayna xildhibaano dhaarin karin ilaa Koofur galbeed iyo kuwa kalaba wada yimaadaan ayuu yiri Cali Calasow.


Ninka sheegta guddiga doorashada dawlada dhexe ee Baahane adeegsado ayaa Baydhabo ku sii jeeda si uu wadaxaajood ula galo madaxda halkaa ku sugan. ”Waa beenaale fuley ah oo cuqdad qaba ayuu raaciyay Cali Calasow oo Siciid Deni si toosa u xukumo.



Si kastaba ha ahaatee ilaa dalka doorashada ka jirtaa la dhamaystiro ma jiri doonto wax doorasho oo dhici doonta waase macquul in xildhibanada la sii dhaariyo oo ayna ka maqnayn kuwa Koofur galbeed.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.