X

Maxaa sababi kara rasaasta ka dhacday jeelka Muuse Handaraab

Waxa rasaas ka dhacaysaa jeelka Muuse Handaraab ee magaalada Hargeysa halkaas oo hadda Muuse Handaraab dalbaday ciidanka Ingiriisku u tababaray ee ay u bixiyeen RRU. Waxa jira rasaas aad u xoogan o laga dhex maqlayo jeelka.


Warkan wuxuu niyadjab ku yahay Ingiriiska oo raba inuu malxiyad cusub ka dhigto Hargeysa iyo Burco. Waxaadse is weydiin kartaa maxaa sababi kara weerar ka dhaca jeelka gudihiisa.


”Hargeysa aad ay u kacsan tahay waxayna khaati ka taagan tahay maamulka Muuse Handaraab waxana u dambeysay gabadh xawaashley ah oo jeelka loo taxaabay markii ay sheegtay in lacagihii la soo diray iska daa in wax ka soo gaadheene, saxaaradihii ay boolisku ka qaateen ay diidaan inay u soo celiyaan haddana lacag ku rabaan ayuu yiri Xuseen Warsame.


Sawirka hoose waa Hibo Faysal oo Muuse Handaraab xidhey halka nin ganacsade oo isla fikirkaa dhiibtey aan la taaban.


”Guud ahaan ciil ka iyo cadhadu waa mid aad u kordhaya jeelka Hargeysana wuxuu noqday mid lagu soo guro dadka la is leeyahay ma hadli karaan iyo kuwa lagu tuhmi karo inay kicin karaan dadka ayuu raaciyay Xuseen Warsame.


”Haddiba aan raacno inay yihiin maxaabiis baxsanayo waxa muuqata in qabiil ahaan lo jirdilo kadibna ay go’aansadeen inay ka gadoodaan ayuu qabaa Xirsi Cali. Isku soo duub waxay muujinaysaa in sheekadan ay tahay inay tahay id abaabulan oo aan la gartan karin halka uu ku dhmaan doono.



Horjooge Muuse Handaraab wuxuu jeclaan lahaa in qasku sii socda si uu kursiga ugu sii fadhiyo.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.