X

Ismaaciil Cumar Geele oo Ciisihii ugu badnaa ka keenay Itoobiya geeyayna Awdal

Waxa tuulada Xariirad ee gobolka Awdal la keenay Ciisihii ugu badnaa oo laga keenay Itoobiya si ay isku diiwaan geliyaan hadhowna u sheegtaan deegaan iyo tiro ahaan. Ujeedada ayaa ah in la soo saaro Ciise badan oo xildhibaano ah gaar ahaan degmada Saylac oo Xariirad la hoos tagto.


Wararka aan helayno ayaa sheegaya in Ismaaciil Cumar Geelle ku bixiyay lacagtii ugu badneyd sidii dadka looga soo daad gureyn lahaa Itoobiya loogana diiwaan gelin lahaa Awdal.

”Wuxuu Ismaaciil Cumar Geelle keenay Xariirad ilaa 8 gaadhi oo maalmihii u dambeeyay dadka baadiyaha ka soo daadgureynayay Hadhagaale iyo Shiniile ilaa Jabuuti ayuu yiri Xuseen Warsame. Gawaadhida badankooda ayaa timi Xariirad iyo C/qaadir iyo tuulooyin kale oo hoostaga Saylac.


”Kharashka ku baxay ayaa lagu qiyaasay kumanaan doolar ayadoo soo qaadista ay ku jirto cuntada mudada diiwaan gelinta iyo weliba dib u celinta ayuuu raaciyay Xuseen Warsame.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa kuraas xaaraana laga siiyay barlamaanka Somaliya iyo weliba hay’adaha kale ee dalka, kuraastaas oo ahayd tii shacabka reer Awdal. ”Ismaaciil wuxuu rabaa inuu bedelo kuraasta deegaanka ee Saylac iyo Lughaya kana dhigo kuwo Ciise, wuxuuna kala shaqaynayaa beesha dhexe sidaa taas u dhici lahayd.

Kuraasta weliba qaar loo daayay ee hadda ee Saylac iyo Lughaya ayaa waxa labada majoorati ka ah Samaroon. Ismaciil Cumar Geelle ayaa sidoo kale gurta ciida gobolka Awdal asagoo shilimaad yar u tuura maamulka beesha dhexe.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.