X

Xildhibaanada ka soo jeeda gobolada Woqooyi oo kabaha la dulmaray Cabdi Xaashi

Xildhibanada ka soo jeeda gobolada Woqooyi ee hadda la baxay Somalilaan ayaa kabaha la dulmaray gudoomiyaha ku magacaaban aqalka sare Cabdi Xooshi oo sitey liisto Muuse Biixi u soo dhiibey oo aanu cidna kala tashan.


“ Anaga oo ah xildhibaannada Golaha Shacabka & Aqalka Sare ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ( Somalilaan) waxaana kulan ku yeelanay Magaalada Muqdisho si aan wax isaga weydiino xaalada guud ee dalka iyo doorashooyinka xildhibaannada labada Aqal ee Gobolada Waqooyi, waxaanu cadeyneynaa in uusan Guddoomiye Cabdi Xaashi nagu matalin hadallada uu ku durayo gudiyada doorashooyinka maadaama uusan nala tashan waxna naga weydiin.

Waxaan si buuxda u taageersan yihiin heshiiskii siyaasadeed ee doorashooyinka oo Muqdisho lagu gaaray 17/9/2020, isla markaana kulan wadajir ah ay ku ansixiyeen labada Aqal & habraacyadii lagu dhisaayay Guddiyada doorashooyinka oo ay soo saareen Golaha wadatashiga Qaranka.


Waxa xusid mudan in heshiiskaa kadib in kooxda sheegata beesha caalamka ay ku qanci waayeen arkeena in madaxweynaha hadda jooga dib loo dooranayo, ay dib u abaabuleen carqalad ku aadan doorashada.

”Gudiyaduna waxma ma doortaan ee waxa wax doorta waa xildhibaano ayu yiri Cali Calasow.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.