X

Itoobiya oo amaantey ciidanka dawlada Somaliya

Dawlada Itoobiya oo sidii Cabi Axmed ugu guulaystay xukunka dalkaasi ay dadka Somaliyeed ka nabad galeen, ayaa amaantey ciidanka dawlada ee jooga Koofur galbeed kuwaas oo argagixisada u diiday maraan wado baxsada.


” Argagixisada soo weerartay qaybo ka mida Somali Galbeed waxay gabaad ka dhigteen dhulka buuraha, waxase wado muhiima u diidey inay maraan ciidanka xooga dalka Somaliya ee aaga Koofur galbeed ayay tiri afhayeenka isgaarsiinta xukuumada.


Tani waxay muujinaysaa wada shaqaynta buuxda ee Itoobiya la leedahay wadamada jaarka ah ayay raaciyay.



Dhiigmiiratada shabaab oo hadda u muuqata in si fiican loo karbaashay ayaa dadka badankiisu isku raacay inay soo xoogaysatey kadib burbur ku yimi sirdoonkii qaranka oo u gacan galay Isla argagixisada.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.