X

Maraykanka oo ka naxay heshiiska Turkiga iyo Ruushka

Madaxweyneyaasha Turkiga iyo Ruushka ayaa heshiisyo taariikhiya wada saxiixay kuwaas oo Maraykanka uu aad uga gariiray. Maraykanka ayaan haba yaraatee waxba qaadi karin maadaama Ruushka la jiro Turkiga.


Heshiisyada waaweyn ayaa waxa ka mida in lacagta Ruushka wax lagu kala iibsado taas oo hadda uu sheegay Dayib Erduqaan in afar bangi oo dalkiisa ay qaataan.

Waxa dhinaca kale iyaduna hirgashay adeega MIR oo u dhigma kan reer galbeedka ee SWIFT loo yaqaan oo labaduba ah fariin bangiyadu isku dhaafsadaan lacagaha. Reer galbeedka ayaa midkooda ka xidhey Ruushka halka Shiinuhu leeyahay mid ay iyagu leeyihiin.


Xiriirka Turkiga iyo Ruushka ayaa aad u fiican waxana jira mashaariic aad u dhaxal gala oo Turkigu meel kale ka helayn oo Ruushku ka caawiyay Turkiga sida inu hadda u dhisaya warshad korontada ka dhalisa nukliyeerka oo wax weyn ka tari doonta adeega korontada.



”Waa kulan aad uga gariiray Maraykanka, cunaqatayn cusubna ma saari karaan Turkiga xilligan waayo waxay dhaawacaysaa dagaalka ay kula jiraan Ruushka ayu yiri Xuseen Warsame.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.