X

Itoobiya oo aqoonsatey golaha sare ee Islaamka

Golaha wasiirada ee dalkaasi Itoobiya oo uu hogaaminaayo raiisal wasaare Cabi Axmed ayaa ansixiyay sharci muddo 60 sanno ah yaalay barlamaanka Itoobiya oo dawladihii Axmaarada iyo Tigreegu diideen.


Golahan ayaa Axmaaradu diidey mudadii ay xukunka hayeen, ayadoo qoomiyadaha kale marhore la aqoonsaday. Muslimiinta Itoobiya oo ah boqolkiiba 55 dalkaasi ayaa in muddo ah Ku noolaa cadaadin.

Go’aankan lagu aqoonsaday golahan sare ee Islaamka ayaa Muslimiinta Itoobiya u saamaxaya inay dejistaan shuruucda, golahuna noqdo halka loo noqdo ee diinta.


Itoobiya ayayna Ka jirin dad isku cunaya diin ahaan waxase jira dagaal hoose oo dawladihii gaalada ahaa kula jireen muslimiinta si ayna xukunka ugu dhawaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.