X

Itoobiya oo ciqaabaysa bayloodo seexday xilli diyaaradu degaysay

Shirka diyaaradaha ee Itoobiya ayaa sheegtay inay ciqaabayso laba baylood oo seexday xilli diyaarada Itoobiya dul maraysay Suudaan ayna ku soo dhaweyd madaarka Bole ee caasimada Addis ababa. Diyaarada ayaa dhaaftay cararka garoonka kuna degi wayday sidii la rabay.


”Waxa go’ay xiriirka u dhexeyay diyaarada iyo xarunta laga maamulo ee Addis ababa taas oo keentay in diyaaradu dhaafto garoonka laakiin nasiib wanaag ay ku socotay is wadid ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay shirkada diyaaradaha maamusha.


Waxaan ka qaadi doonaa talaabo sharci oo ku haboon iyo ciqaabta ku haboon maadaama amniga dadka saaran aan la iska xil saarin ayaa la raaciyay qoraalka. Diyaaradaha Itoobiya ayaa inta badan ay fiican yihiin amnigooda inkastoo laba sanno kahor ay dhacday diyaarad cusub oo ay ka soo iibsadeen Maraykanka.



Bayloodada kaxeeya duulimaadada dhaadheer ayaa lagu amray in soo qaataan hyrdo fiican.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.