X

Kimiko mamnuuca oo lagu weeraray ciidanka Ruushka iyo cida ka dambaysa

Saraakiisha Ruushka ee ku sugan gobolka Dombaas ayaa sheegay in askartooda lagu weeraray kimiko adduunka ka mamnuuca in lagu dagaalamo, waxana eedu dusha uga dhacaysaa Maraykanka maadaama Yukrayn aanay haysan sun noocaasa.


Tirada askarta ee suntan loo adeegsaday ayaa lagu qiyaasay ilaa 5 hadda lagau daawaynayo deegaanada laga xoreeyay Yukrayn ee inta badan ay degan yihiin dadka Ruushka ah.


”Wasaarada difaaca ee Ruushka ayaa sheegtay in madaxweynaha Yukrayn ee ku daba tukada Maraykanka uu toos u amray in askartiisa kimiko suna oo aan lagu dagaalamin ku weeraro. Waxa la ogyahay in Maraykanku ku jiray mashruuc sun tijaabina oo uu ka waday Yukrayn oo keliya lahu ogaaday markii dagaalku qarxay.

”Waxa cad in Maraykanku ku gabanayo Yukrayn rabana inuu askarta Ruushka ku weeraro kimiko ka mamnuuca adduunka ayuu yiri Xuseen Warsame malaha waxa u fiicnayd inuu si toosa uga qayb qaato dagaalka intuu xagga dambe ka joogo ayuu raaciyay.



Ruushka ayaa sheegay in ay dhowr jeer u digeen Maraykanka inaanu faraha la soo gelin dagaalka Yukrayn laakiin ay cadahay inuu ka dhega furaystay digniintaas, ayan tahay kuwa ku guban doona ayuu yiri wasiir u hadlay wasaarada arimah dibedda.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.