X

Xamse oo masuuliyada qaraxa dusha uga saaray Mahad Salaad mase eryi doonaa

Raiisal wasaaha Somaliya Xamse Cabdi Barre ayaa qaraxii huteel Xayaad dusha uga tuuray hogaanka argagixisadu ee hadda fadhiya xaruntii sirdoonka. Xamse ayaa ku janjabay inuu wax ka qaban doono cida ku fashilantey hawshii loo igmaday.


Su’aasha dad is weydiinayaan ayaa ah muxuu qaban karaa Xamse Cabdi Barre oo uu keenay Xasan Culusow ( Xasan beenaale). Jawaabta saxda ah ayaa ah inuuna waxba qaban karin. Mahad Salaad ayaan la soo marin golaha wasiirada ee uu magacaabay Xamse laakiin si tuugonimo lagu marsiiyay.



Xasuuqii ka dhacay huteel Xayaad ayaa ahaa mid argagixisada uu qaybta ka yahay Mahad Salaad ay ku dileen dad masaakiina oo aan waxba galabsan. Waxa kaaga daran waana duubanayeen inta aanu qaraxa dhicin.

Sheekadan ayaa u eg Jugjug meeshaada joog, waxase ay boog xun ku tahay Xamse Cabdi Barre sumcadiisa hore oo xumayd inay tana uga sii darto.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.