X

Itoobiya oo diiday qaraar ka soo baxay Carabta

Itoobiya ayaa diidey qaraar ka soo baxay ururka Carabta oo ku saabsan biyo xidheenka webiga Niil ee biyaha gaadhsiiya Masar. Labada webi ee Niil ayaa labaduba ka soo bilaabma buuraha RABI u nimceeyay ee Itoobiya.


Kulan ururka bilaa ilkaha ah ee Carabtu ku lahaayeen Qadar ayay qoraal ka soo baxay ku sheegeen in arinta biyo xireenka la geyo qaramada midoobey. Itoobiya ayaa hore u sheegtay inayna rabin in arinta la geeyo Qaramada nidoobey ee lagu dhameeyo Afrika dhexdiisa.

”Carabtu ha ogaadaan in biyo xidheenku yahay nolosha Itoobiya oo ay ku noolyihiin 100 milyan oo fiqiir dhaafay ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay wasaarada atimaha dibedda.


Itoobiya iyo labada wadan ee webigu aado ee Masar iyo Suudaan ayaa isku mari la cadadka Itoobiya sii deyn doonto haddii abaar xuni dhacdo. Biyo xidheenka ayaa hadda dhamaaday boqolkiiba 80. Waxana la buuxiyay qayb ahaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.