Itoobiya iyo Kiiniya ayaa kala saxiixday heshiis ku saabsan in Itoobiya ka iibiso qamadigeeda Kiiniya. Xiligan oo adduunka uu ku yaryahay qamadiga ama uu ka jiro sixir barar cuneed, waxa wax lagu farxo ah in Itoobiya beeratay qamadi saaida oo ay dhoofinayso ayuu yiri Xuseen Warsame.
Waxana talaabadaas geesinmada ah lagu amaanayaa raiisal wasaaraha dalkaasi Itoobiya Cabi Axmed oo xooga saaray soo saarista qamadiga siiba dhulka biyuhu ku badan yihiin ee gobolada Oromada iyo Bishingulka.
Madaxweynaha Kiiniya oo Itoobiya booqday ayaa sheegay inay ku heshiiyeen in Itoobiya qamadigeeda ka iibiso si wax looga qabto cuntada qaaliga noqotey. Waxaadse is weydiin kartaa Somali Galbeedna waxay u dhimanaysaa abaar Itoobiya inteeda kalana cunto yaraan kama jirto ayuu qabaa Xuseen Warsame.
Waxay muujinaysaa fadhiid xumada ku habsatay maamulka Mustafe Cagjar oo ummada uga faaiideyn waayay nimcada uu RABI siiyay ayuu raaciyay Xiri Warfaa. Cabi Axmed ayaa markale yimi Somali galbeed waase socod qasaare ah.
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS