X

Itoobiya oo ku qasban inay markale gobolka Tigree dib u gasho

Ciidanka Itoobiya ayaa shalay cagta mariyay guuto dhan oo Tigree ah xadka ay wadaagaan gobolada Tigreega iyo Axmaarada. Waxa socda is abaabul xoogan dhamaan gobolada Axmaarada iyo kuwa Oromada, waxana safaf loogu jiraa sidii laysku qori lahaa ciidanka.


Itoobiya ayaa haysata ciidan iyo hub ku filan, mann dhacayso in falaago sida Tigreega oo kale ah ay kaga takhalusto ciidanka Itoobiya waayo ma haysato awood ay ku sii wadi karaan dagaal, haddana qoriga ugu weyn ee ay haystaan waa madaafiic dhulka taala oo buuraha lagu qariyay.

Dhinaca kale waxa dawlada taageersan labada qoomiyadood ee ugu badan dalkaasi ee Oromada iyo Axmaarada iyo inta badan kuwa kale sida Siidaamo iyo Somalida.


Waxa kale oo iyaguna dagaalka ka maqnayn kuwa yaryar sida Canfarta iyo Bishinguulka oo intooda badan neceb Tigreegii dalka soo haystey ku dhawaad sodonka sano.

Maraykanka iyo reer galbeedka ayaa toos ula safan Tigreega casarkii dhacay sida keliya ee ay u caawin karaan ayaa ah inay Itoobiya ku soo rogaan cunaqabataynta hubka inkastoo ay u xun tahay Tigreega. Itoobiya ayaa hubka ka soo dejisan karta Eritatiya.


Haddaba su’aasha aad is weydiin karto ayaa ah maxaa Itoobiya ku qasbaya inay markale dib u gasho Tigree maadaama ay markii hore ka soo baxday.

Jawaaabta saxda ah ayaa ah inay cadaadis xoogan kala kulantey Maraykanka iyo reer galbeedka, haddase waxay tustey in xabad joojintii ay ku dhawaaqday Tigreegu uga faaiideystay inuu weeraro bulshooyinka la jaarka ah.


Tusaale waxa Tigreegu diley qaarkoodna uu gubey qaxooti Eritatiya ah oo ku noolaa xeryo ku yaala gobolka Tigreega iyo weerar ay ku qaadeen Axmaarada iyo Canfarta.

Kuma qaadanayso maalmo badan haddii ay markale ku dhaqaaqaan dib u qabashada gobolka iyo weliba burburinta falaagada ciidan ahaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.