X

Itoobiya oo kumanaan dadkeeda ah ka soo guraysa Afrika iyo bariga dhexe

Wasaarada arimaha dibedda ee Itoobiya ayaa sheegtay inay bilowday qorshaha dalka dib loogu soo celinayo in ka badan 12000 kun oo dadkeeda ah oo ku kala daadsan Afrika iyo bariga dhexe.


Wadamada ay sida gaarka ah u tilmaantey ayaa waxa ku jira Jabuuti, Somaliya, Suudaan, Yaman, Cumaan, Tansaniya, Malaawi iyo Saambiya.


Itoobiya ayaa dhawaan ku guulasatey inay ku dhawaan 110 kun oo Itoobiyaana ka soo celiso Sacuudiga oo ay ku qabeen gumeysi iyo tacadiyo xad dhaafa. ”Qorshahana wuxuu daba socdaa kaas hore ee hore loogu guulaystay ayaa lagu yiri warbixin ka soo baxday xafiiska wasaarada arimaha dibedda.



Kumanaan Itoobiya ayaa ku dhinta saxaraha iyo inta u dhaxaysa Yaman iyo Sacuudiga halkaas oo qaarkood Carabta Yamantu u haysato adoonsi ahaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.