X

Su’aalo badan oo layska weydiiyay xasuuqii dhiigmiiratadu ka gaysatey Muqdisho

Dhiigmiiratada shabaab ayaa maanta isku qarxisay goob aad looga buuxo, waxayna bartaasi Ceelgaabta ku dishay ugu yaraan 7 qof halka dhaawacu intaas ka badnaa. Waxa dadkaas ku jira dad waxgarada.


Haddaba waxa su’aalo badan laga keenay qaraxaas iyo sida fudud ee uu ku soo dhexmaray dhamaan barihii xanibaada ee ku yiilay magaalada Muqdisho. ”Wax la qaadan karo maaha in barihii oo dhan uu soo dhaafo ayuu yiri Cali Calasow.

”Waxa sawirku muujinayaa in si toosa loo soo daayay dhiigmiiradkan is qarxiyay waxa dhana ay ahayd mid loogu adeegayo shisheeye khalkhalna la geliyo amniga ayuu raaciyay Cali Calasow.


Dhiigmiirtadkan is qarxiyay ayaa joogay halki ugu dambeysay ee lagu fashilin lahaa, wuuse ios qarxiay intaan la qaban. Waxa qaraxaas ku dhintey dad waxgarada oo qaarkood jaamacado dibedda ah ka soo baxeen.


”Waxa ku jirtey hooyo iyo gabadheeda oo gaadhiga ku basbeelay ayay tiri Xaawo Axmed oo joogtey Ceelgaabta laakiin la badbaadfin kari waayay.

Su’aalaha la is weydiinayo ayaa ah inay qaxaran ka wada shaqeeyeen gunti giijiye Rooble iyo 30 jir 30 milyana.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.