X

Jaadleyaasha Kiiniya oo cabaadku ka dhamaaday: hadda xataa 50kun ma helo

Somaliya ayaa joojisay qaadka ka imaanayay Kiniya muddo hadda laga joogo sanad iyo badh ama bilowgii hargabka Karoona. Waxana dhaqaale burbur uu soo gaaray beeralayda iyagu beeri jirey qaadka oo hadda cabaadku ka dhmaaday.


Inkastoo hooyooyin badan oo ka heli jirey nolo maalmeedka ay iyagu helin wax bedel ah oo maanta xaaladooda RABI ogyahay haddana waxa baaqatey lacag farabadan oo dalka u tagi jirtey Kiiniya maalin kasta.

”Hadda xataa 50 kun oo shilinkama helno qaadka waaba hadaan nasiib leenahay ayuu ku calaacalay gudoomiyaha beeralayda jaadka.


”Somaliya ayaa nus malyan doolar maalin kasta u dirta Kiiniya, waxana ku naaxay hal iyo bar milyan oo shacaba oo ku nool goobta laga beero qaadka ayuu yiri gudoomiyaha qaadleyda.

Kiiniya ayaa rajaynaysa inay xukunka ka tuurto madaxweynaha hadda ayna ku bedesho caado qaate, waxayna isku daydey dhowr mar inay carqaladeyso nidaamka doorashada ayadoo xataa soo abaabushey dagaal.


Inta uu joogo madaxweynaha hadda ayaan la filayn in laga dabciyo cunaqabataynta qaadka xilli Kiiniya ay ka shaqaynayso sidii dalku u helin deganaansho ayna qaybteeda xukunto.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.