X

Waxaan ku faraxsanahay in Suuriyaan badan la yimaadeen xirfadooda dalka

Waxa sanadihii u dambeeyay Somaliya soo gaarayay qaxooti farabadan oo Suuriyaana qaar badan oo ka mid ahna ay la yimaadeen xirfadooda xilli dhalinteena loo tilmaami waayay fursadaha badan ee dalka yaala.

”Waxa gabadheydu ka shaqaysaa maqaaxi Suuriyaana ayuu yiri Waaberi Xasan oo ku nool Muqdisho. Hadaad u fiirsato sawirka laga bixinaayo qaxootiga Suuriyaanka oo dhib weyn oo inala mida qaba gebigood maaha dad aan xirfad lahayn, weynse ka buuxaan xirfadleyaashu.

”Waxa laga faaiideysan karaa xirfadooda ayagoo loo samayn karo meelo ay xirfadooda ku soo bandhigaan kadibna xirfadaa u gudbiyaan dhalinteena, si aan uga baxno dhaqankan dawlad ku tiirsanaanta ayuu yiri Cali Calasow.

Somaliya ayaa ah dal dihan dhinac kasta keliya u baahan in kheyraadkaas lala soo baxo, waxase ragaadiyay laba shay oo isku biirey: Siyaasiyiin liita oo tayadoodu xun tahay oo ay ka faaiideysteen reer galbeedku.

”Dalna ma rabo in Somaliya cagaheeda isku taagto waayo waxay ku qabaan hadda ayaa ka badan ayuu yiri Waaberi Xasan.

Dalka aan u soo jeesano oo ummadan hala hago ayuu yiri inta la sii liidayo oo qabyaalad lala dabajoogo ayuu raaciyay.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.