X

Jaamacada Carabta oo war ka soo saartey qaraxii huteel Naasa hablood mase ilaaween kii ka weynaa

Jaamacada Carabta ayaa war ka soo saartey qaraxii huteel Naasa hablood mase ilaaween kii ka weynaa.

War kasoo baxay Xoghayaha Ururka Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in uu ahaa Qaraxaasi mid aad looga naxo oo lagu xasuuqay Shacab oo aan waxba galabsan.



Ururka Jaamacadda ayaa ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan dowladda. Warka ka soo baxay Jaamacadda Carabta ayaa loogu tacsiyeeyay dadkii ku dhintay Qaraxaasi.

Waxaa sidoo kale warka lagu sheegay in ay ka go’an tahay garab istaagga Soomaaliya. In ka badan 29 qof ayaa ku dhimatay weerarkii ay ku qaadeen Hoteelka Naasa Hablood 2 ee degmada Xamarweyne.



Ururkan fadhiidka ah ee Carabta ayaan war ka soo saarin xasuuqii balaarnaa ee argagixisadu fulisay 14-kii bishan kaas oo galaaftey nolosha dadku dhow 400 oo qof.

Ururkan ayaan sheegin inuu wax taakulo ah ka gaysanayo dadka waxyeeladu welli ka haysato xasuuqii 14-ka bishan.

C/llaahi Warmooge madaxa ARAABINEWS ee wararka Koofurta iyo bartamaha Somaliya

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.