X

Jabuuti oo dacwad la fuuleysa Eriteriya

Jabuuti ayaa dacwad la fuuleysa Eriteriya oo ku duushey dhul Jabuuti leedahay. Inkastoo Jabuuti taageertay cunaqabataynta hubka ee saarneyd oo u muuqata in lagu qasbey ayaa safiirkeedu sheegay inay dacwad la fuuli doonaan.


”Waxaan Eriteriya la fuuleynaa maxkamada Afrikaanka u gar qaada ee lagu sheego aduunka kuna taala Heeg ee dalkaasi Holland ayuu yiri safiirka Jabuuti u jooga Qaramada Midoobey.

Waxaa uu sheegay Safiirka  in dalkiisa uu doonayo in xal kama dambeys ah loo helo khilaafka xadka ee kala dhaxeeyo Eritrea iyo in lagu kala baxo qaanuunka dowliga ah.


“Djibouti waxaa ay golahu ugu yeertay iyada oo kaashaneysa taageerada xogheyaha guud in labada dhinac ay muranka ku xaliyaan si nabad ah, oo cid kale ay dhex-dhexaadiso sida maxkamadda caadilga adduunka ee ICJ” ayuu yiri Ambassador Ducaale.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.