X

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmey madaxa Somali galbeed Mustafe Cagjar

Madaxweynaha Somaliya ayaa Addis ababa ku sugan halkaas oo ay isku arkeen madaxa ku meelgaarka ee dawlada goboleedka Somalida Mustafe Cagjar.


Kulanka waxaa xoogga lagu saarey isbadalka ka dhacay Somali galbeed ee uu keenay raiisal wasaaraha Itoobiya Cabi Axmed. Cagjar ayaa durba ku fashilmey qabka uu dawlada u soo dhisay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo saaka u ambabaxay magaalada magaalada Addis Ababa ayaa halkaasi uga qeyb-galaya Shir ay isugu imaanayaan Madaxda IGAD oo looga hadli xubinnimada Eritrea oo mar kale ka mid noqonaya xubnaha Urur Goboleedka IGAD.


Sidoo kale waxaa shirka lagu wadaa inuu ka qeyb galo Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki oo markii u horeysay ka soo muuqanaya miiska Madaxda IGAD.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.