X

Jarmalka oo masaajida dalkiisa ku soo rogaya cashuur iyo ujeedada

Jarmalka oo masaajida dalkiisa ku soo rogaya cashuur. Sida ay isku raaceen siyaasiyiinta xisbiyada dalkaasi cashuurta ayaa loogu talogalay in lagu xoreeyo masaajida oo iyagu lacago ka aruuriya dadka ku tukada si hawlaha masaajidka loo guto.


Jarmalka ayaa waxa ku nool 5 milyan oo Turki Muslim ah oo intooda badan taageersan xisbiga Erdogan, waxana madaxweynuhu dhawaan ka furey magaalada Kolon ee dalkaasi masaajidka ugu weyn Yurub oo aad u quruxbadan.

Jarmalka oo diidan maskax ka-qabsiga noocana iyo kuwa kale ee xagjirka ah ayaa raba in hawlaha masaajidka ay bixiyaan dadka ku tukada, lagana qaado cashuur.


Kaniisadaha dalkaasi ayaa iyagana lacago laga guraa lagu dayactiro. Inkastoo siyaasiyiinta xisbiyada dalkaasi isku raaceen fikir ahaan, waxase ay la hortagi doonaan gobolada dalkaasi si ay u taageeraan cashuurta masaajida lagu soo rogayo.


”Waxa loogu talogalay in lagu yareeyo ku tiirsanaanshaha maaliyadeed ee masaajidu ku tiirsan yihiin dawlado shisheeye ama ururo shisheeye, waxaanan rabnaa in Muslimiinta Jarmalku ahaadaan kuwo Jarmala ayaa laga soo xigtey masuul ka tirsan xisbiga talada dalka hadda haya.


”Lacagta ka soo baxda cashuurtaas ayaa waxa dib loo siin doonaa masuuliyiinta masaajida ama ururada ka masuula si ay ugu gutaan hawlahooda ayuu raaciyay.

Waxaad is waydiiin kartaa Muslimiinta ku tukanaaya masjidka ay iyagu dhisteen inayna bixinin kharashaadka masjidku u baahan yahay ayuu yiri Xasan oo jooga Kolon. Waa qalad in cashuur cusub oo siyaasadeysan Muslimiinta lagu soo rogo ayuu raaciyay.

Kaliya waxay ugu talogaleen inay Muslimiinta dhibaan cashuur dheeraadana ka qaataan. Wuxuu is weydiiyay waxa xiga xilli Jarmalku soo nacayo qaxootiga Muslimiinta.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.