X

Yukrayn oo dad shacaba ku xasuuqday hub Maraykanku siiyay

Saraakiisha Koofurta Yukrayn ayaa sheegay in ugu yaraan 8 qof ay ku dhinteen ilaa 70 kalana ku dhaawacmeen weerar Yukrayn ku gaaday magaalo ku taal aagaas ayadoo adeegsanaysa madaafiic uu Maraykanku siiyay. Maaha markii ugu horeysay oo Yukrayn xasuuqdo dad shacaba.


Ciidanka Yukrayn oo taageero qarsoodiya ka helaya Maraykanka iyo Ingiriiska oo aan rabin inay dagaal toosa la galaan Ruushka fuleynimo awgeed ayaa madaafiic badan ku daldalaya Yukraynta ay adeegsabayaan.


Koofurta Yukrayn oo intooda badan ay ciidanka Ruushka ka xorooyeen Yukrayn oo xasuuqi jirtey dadka Ruushka ah ee halkaas degan ayaan iyagu arag wax dagaala in muddo ahba maadaama furintu ka fogtahay.


Madaafiicdan uu Maraykanku siiyay ayaa ku dhacay bakhaar la dhigo kiimikada ciida lagu nafaqeeyo ee Ruushku caanka ku yahay, taas oo qaraxyo ka dhasheen.



Ruushka ayaa hore u sheegay inuu Yukrayn edbin doono hadday joojin weydo dadka shacabka ee ay madaafiicda ku garaacayso.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.