Sunday, May 19th, 2024
header










Meta







Jawaari oo ka carooday Xasan Sheekh iyo sababta

Wararka naga soo gaaraya dhanka Villa Somalia ayaa sheegaya in saacadihii ugu danbeeyay kulan khaas ah uu dhexmaray Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha barlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Kulanka labada mas’uul ayaa ahaa mid looga tashanaayay sida culeyska lagu saari lahaa Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada dalka, waxa uuna Xassan Sheekh Jawaari ku amray in mas’uuliyiintaasi uu u adeegsado Dastuurka islamarkaana ka dhaadhiciyo in xuquuqda Gobolka Banaadir ay tahay mid muqadas lama taabtaan ah.

Xassan waxa uu sidoo kale, Jawaari u sheegay in shaqsi ahaantiisa xiligaani uu qaati ka taagan yahay Madaxweynayaasha maamulada dalka, sidaa aawgeedna uu wakhtigu yahay mid sii gurmaayo loona baahan yahay in xuquuqda Gobolka Banaadir uu kusoo dhiciyo qodobada baneynaaya ee Dastuurka ku jira in G/Banaadir uu yahay Caasimada dalka islamarkaana leeyahay maqaankiisa.

Jawaari ayaa ku gacanseeray dalabka Xassan Sheekh waxa uuna sheegay inay ku adag tahay in howlaha ceynkaani ah uu ku maareeyo Dastuurka waxa uuna Xassan Sheekh ku wargaliyay in uusan fulinkarin arrintaani loona baahan yahay inay fuliyaan isaga iyo Sharmaarke hayeeshee isagana uu garabsiin doono keliya.

Jawaari ayaa lasoo warinayaa inuu aad uga carooday Xassan Sheekh bacdamaa uu ku cadaadinaayo fulinta howl uu isaga horay ugu fashilmay, waxa uuna Jawaari si cad Xassan uga diiday in Madaxweynayaasha Gobolada uu u adeegsado waxa ku qoran Dastuurka.

Jawaari ayaa ku dooday in howsha iminka taagan ay tahay mid aan u baahneyn Dastuur IWM, balse loo baahan yahay in qaab ay maslaxad ku jirto loo xaliyo.

Docda kale, Madaxweynaha dalka Xassan Sheekh ayaa sheegay in Gobolka Banaadir uu yeelan doono xuquuq gaar ah, islamarkaana uusan aqbali doonin in caqabad lagu noqdo masiirka Malaayiinta Soomaali.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...