X

Jawaari oo xaalku ku xunyahay iyo soo jeedinta oo berri jirta: Wasiirka dastuurka

Jawaari ayaa xaalku ku xunyahay iyo soo jeedinta ka dhanka ah oo berri oo Sabti jirta looga doodi doonaa golaha shacabka oo hadda ay ilaaliyaan askar khaasa oo dawladu keentay.

Wasiirka dastuurka Cabdi Xoosh Jibriil ayaa hadal kooban oo uu soo dhigey bartiisa faysbuug ku sheegay in soo jeedintu bilaabanto maalinta la horgeeyo golaha shacabka.



Maarso 18-keedii Jawaari wuxuu aqbalay inuu Mooshinka xalaal yahay, Hadda wuxuu ku doodaa in 10-kii bari ee doodaa mooshinka dhamaatay. Laakin wuxuu illoobay Qodobka 9aad ee Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka Farqadda 4-aad iney leedahay 10ka bari waxeey billaabataa maalinta la hor geeyo Golaha, maalintaas oo ah Sabtiga Maarso 31″ayuu yiri Wasiir C/raxmaan Xoosh.



“Xeer Hoosaadka Golaha ma dhahayo maalinta la guddoomay mooshinka. Tan kale farqadda 4aad waxeey ka hadleeysaa doodda mooshinka, meesha kaliya oo lagu dhex doodana waa Golaha ee la horgeeyo ee bannaanka Golaha loogama doodi karo arintan” Ayuu raaciyay

Xildhibaanada taageersan Jawaari ayaa idaacadaha u sheegay inuu dhamaadey xilligii soo jeedinta loo qabtey. Jawaari oo isna hadley ayaa sheegay in beri uuna saarneyn daawaha.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.