X

Wasiirka arimaha dibedda oo ka hadley DP World iyo derbiga Kiiniya

Wasiirka arimaha dibedda ayaa ka hadley DP World iyo derbiga Kiiniya ka dhisanayso xad beeneedka Ingiriisku u saxiixay. Axmed Ciise Cawad oo la hadlayay idaacadaha maxaliga ayaa sheegay in Kiiniya qaldan tahay.



“Waxaan isku afgaranay inaan iskaashiga hormarino, waxaa la sameynayaa guddiyo kale oo arrintan ka shaqeynaya, dooda waxay joogtaa in Darbiga aan la dhisin, dhibta hada taagani waa Darbiga, mana jirto dhib kale oo annaga iyo Kenya inoo dhaxeysa.” ayuu yiri

Dhinaca kale Wasiirka ayaa soo hadal qaaday Dacwadii Soomaaliya ay Imaaraadka Carabta uga gudbisay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, wuxuuna sheegay in mar walba ay diyaar u yihiin in ay difaacaan Madax banaanida Soomaaliya.



“Imaaraadka waa walaalaheena, is ixtiraam ayaa naga dhaxeeya, runtii waxay ku kooban tahay oo keliya inaan diidannahay inaan la gelin heshiis aanay ka warqabin Dowladda Soomaaliya, maxaa yeelay waxay xad gudub ku noqoneysaa madax banaanida Soomaaliya.”ayuu sii raaciyay.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 


admin:

This website uses cookies.