X

Wixii ka dhacay gobolka Axmaarada wuxuu ahaa inqilaab guud oo fashilmey: Cabi Axmed

Raiisal wasaaraha Itoobiya Cabi Axmed oo saq dhexe xalay la hadley dadka Itoobiyaanka ah ayaa sheegay in wixii ka dhacay gobolka Axmaarada uu ahaa inqilaab lagu afgambinaayay dawlada ee aan ahayn oo kaliya mid lagu qaso gobolkaas.


Wuxuu sheegay in taliyihii ciidanka la diley oo weliba lagu diley caasimada Addis ababa ayna weerareen kuwo isaga ka ag dhow. Taliyahan ayuu magacaabay isla bishan mase sheegin cida ay yihiin.


Cabi oo xiran tuutaha ciidanka ayaa sheegay in shaqsiyaad ay wadeen ee aanu ahayn mid qoomiyad ku wado qoomiyad kale, haddana jeelka loo taxaabay kuwii falkaas ku kacay. Waxa weerarka lagu diley madaxweynihii gobolka Axmaarada.


Cabi Axmed oo welli sii hadlaaya ayaa sheegay in wadamada jaarka ugu deeqeen caawimo laakiin uu u sheegay in Itoobiya isku filan tahay ayna joojin doonto xaaladan, isla markaana ugu baaqay ciidanka inay difaacaan qaranimada Itoobiya.

Inkastoo weerarkan Axmaaradu sheegtay inuu ka dambeeyo wasiir difaac hore haddana waxa cad in ujeedadu ahayd in xukunka laga tuuro Cabi Axmed oo ka soo jeeda Oromada laakiin gaala.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.