X

Kacdoonka Laascaanood oo fursad siiyay Koofur Galbeed

Kacdoonka ka socda magaalada Laascaanood ee dib loo xoreynayo ayaa maraya meel xasaasiya. Inkastoo dhaawac uu jiro waxase isa soo taraya dhimashada maleeshiyada horjooge Muuse Biixi. Dhalinyarada reer Khaatumo ayaa hurdada u diiday horgaleyaasha Dhulbahane iyo maleeshiyada Muuse Biixi.



”Waxa fursad dahabiya u soo baxday reer Koofur Galbeed oo horjooge dhiigyacab Muuse Biixi uu duhur cad bililiqaystey alaabtooda kadibna gaajo iyo haraad kaga saaray Laascaanood.

Kacdoonka Laascaanood oo taariikhda geli doona ayaa ugu baaqay dadkii dhiigyacab Muuse Biixi ka saaray inay dib ugu oo noqdaan. ”Waxaan qabaa inay reer Koofur Galbeed si fiican u aarsan doonaan ayuu yidhi Xuseen Warsame.



Si kastaba ha ahaatee waxa hadda socdaa waxay hordhac u yihiin burbur ku soo socda maamulka horjooge Muuse Biix halka uu is leeyahay kursiga sii dheerayso.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.