X

Maleeshiyada Muuse Biixi ee Laascaanood guuli ka dheer iyo sababta

Maleeshiyadan hadda ku sugan duleedka Laascaanood waxay qarka u saaran yihiin inaan xabadi ka soo noqon waa haddii Dhulbahante u midoobo inay soo baacsadaan ayuu qabaa Xuseen Warsame. Waa la ogyahay tirada maleeshiyo ee ku sugan duleedka Laascaanood ilaa haddana waxa ugu daran inay helaan saad joogta ah iyo cunto.



Inkastoo hubka ay haystaan uu yahay hubkii qaranka ee ay odhan jireen Siyaad baa nagu weeraray hubkii qaranka iyo diyaaradihii qaranka, jaahilnimadooda isla hubkii qaranka ayay ku weerareen dad aan intooda badan meel dhigan hubkaas.

Waxay guuli uga dheertahay waa qabiil, waana ognahay tabarta qabiil yeelan karo iyo inta uu dagaalami karo, ilaa inta awood kale ku soo biirayso. Siday hadda u muuqatana hadaan gaalkii Ingiriis sii kordhin taageerada uu hadda siiyo hubna u soo dirin iyo lacago badan maadaama ay u dhimanayaan gaalkaas iyo dhulkii laga eryay guuli ka dheer.



GUULI KA DHEER

”Waa marka horee Khaatumo waxa u furan inay jaraan wadada Burco iyo Laascaanood taasina waxay keenaysaa inuu saadku ka go’o gaajana soo wajahdo maleeshiada ku sugan aaga Laascaanood. Waxa kale oo ay kala goyn karaan wadada Berbera iyo Hargeysa taas oo dhaqaale burbur xoogan ku keenaysa maamulka gooni goosadka xitaa ayagoo Dhulbahante dagaal toosa gelin ayuu qabaa Xuseen Warsame.




Waxa u furan Dhulbahante inay dhaqaale ahaan curyaamiyaan maamulka gooni goosadka xitaa iyaga oo aan dhiig badan ku daadin Laascaanood. Tani waxay keenaysaa in amnigu meesha ka baxo iyo is aaminku, qaylo dheer xoogana uu ka soo yeedho gooni goosadka ayagoo caynaya Xasan Culusow oo la jira kuna eedayn doona inay ka dambeeyaan dhaqaale curyaaminta. Hadalkuse wuxuu ku socda gaalka Ingiriiska.



Si kasta oo maleeshiyada Muuse Biixi isku waasho oo xasuuq gaysato aakhirka waxay ka shidnaan doontaa Hargeysa iyo guriga horjooge Muuse Biixi haddaanu hadda dib u celin maleeshiyada joogta Sool.

Waxaan ognahay in beelaha ISAAQ ee la jaara Dhulbahante inay diidan yihiin dagaalka socda laakiin si cad uma sheegin inay maleeshiyada dib loogu celiyo deegaanada Dhulbahante ay ka soo duuleen.



Waxa keliya oo u furan in maleeshiyadu dib iskaga noqoto dhulka Dhulbahante. ”Milatari ahaan ma sii wadi karaan dagaal joogta ah ayuu raaciyay Xuseen Warsame. Dhulbahante waa awoodaa inuu rasaasta ka bilaabo Hargeysa cid ka horjoogtaana ma jirto.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

admin:

This website uses cookies.