X

Kacdoonka Laascaanood oo halis ku ah qorsheyaal Ingiriisku watay

Maleeshiyada beesha ISAAQ ee ku sugan duleedka Laascaanood ayaa halis ugu jira gaajo hadayna dib ugu soo noqon magaalada oo ay la wareegeen xoogaga Dhulbahante ee SSC iyo dhalinta kacdoonka.

Haddaba kacdoonka Laascaanood ka socdaa wuxuu halis ku yahay qorshe Ingiriisku ka damacsanaa Woqooyiga Somaliya oo ah inuu ka jaro dalka inteeda kale si kheyraadka gobolka uu keli ku ahaado ayuu yiri Xuseen Warsame.



Ingiriiska ayaa maamulka beesha ISAAQ ee loogu dhisay Boorama ku taageera lacag iyo saxaafad ahaanba, waana taageerada ugu weyn ee gooni goosadku ka helaan adduunka. Inkastoo Maraykanku danaynayo baryahan dambe inay gacanta ku dhigaan gobolkan si ay uga soo guuraan Jabuuti, qorshahaas oo dhan waxa wax u dhimaya kacdoonka Laascaanood iyo kuwa kale ee bilaaban doona ayuu raaciyay Xuseen Warsame.



”Waxay adduunka ka iibiyaan waa gobol amaana oo leh deked ay ka maamuli karaan waxa maraya badda Somaliya qaybteeda xigta Yaman, waxayna rabaan hadda inay ku qarash gareeyaan lacag ku dhow 500 oo milyan oo doolar. Mashruuca wadada Hargeysa dulmarta ayaa qayb ka ah oo Ingiriisku si gooniya ugu faanay inuu dhisay ayuu yiri Xirsi Warfaa.

Waxaas oo dhan waxay noqon doonaan waxba kama jiraan haddii amniga faraha ka baxo. Waxayna ku qasbanaan doonaan inay soo farogeliyaan, haddii sheekadu ku sii xumaato ayuu qabaa Xirsu Warfaa.



”Waxay kaloo iibiyaan khariidad ay ku sheegaan intii Ingiriis maamuli jiray waxayna ku darsadaan gobolada Awdal, Sool iyo Sanaag, oo iuaga aan la garanayn cida ay ka go’ayaan iyo waxay ku go’ayaan. Waxay sanad walba si toosa u siiyaan 15 milyan oo doolar.

Waxa intaas u dheer tababar joogta ah oo ay siiyaan maleeshiyada beesha ISAAQ, dawlad ku sheega Xamar inooga dhisana kama hadlaan farogelinta qaawan. Haddana waxay keensadeen mid ay wataan oo u saxiixaya wax kasta.



Kacdoonka Laascaanood wuxuu halis gelinayaa qorshahaa uu meesha dhigtey Ingiriiska iyo Maraykanka soo xidhxidhinaya waayo waxay u baahan yihiin amni laakiin waxay ku socdaan kud ka guuroo qanja u guur.

Waxa ka go’an SSC iyo inta qaranimada dalka ogolba inay qarxiyaan meel kasta oo looga soo weerarayo dadkooda ama ilin dhaqaale uu ka helayo maamulka gooni goosadka ah ayuu yiri sarkaal u hadlay SSC.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.