Friday, September 22nd, 2023
header










Meta







Kacdoonka reer Adal oo soo ooday ictiraaf dambe oo SNM aduunka ula cararto+WARBIXIN

imagesTLPW6C2X

London-Araabinews–Marka madaxda SNM dibedda u soo baxaan ee la waydiiyo maxaad raadinaysaan waxay sheegeen ictiraaf ayaan rabnaa waxana la waydiiyaa yaa tihiin waxayna ku doodaan waxaan nahay intii Ingiriisku gumaysan jiray oo wada dhan waxayna muddo yar heleen in jaraaidada London amaan u jeediyaan.

Laakiin taasi maanta waxay noqotey gabaabsi wayna soo ooodantey intii kacdoonka reer Adal kaceen si ay gobolkooda maamulkiisa dib ula soo noqdaan dib uga qaadaan lacago buga oo lagu sameeyo suuqyada Hargeysa, waxna ugu qabtaan lacagta Hargeysa oos loo geeyo ee laga ururiyo masaakiinta Adal.

SNM waxay rabtaa in cuqdada ay u qabto qabiilada kale ee Somaliyeed in ay ku beerto dhalinta reer Adal waxana in muddo ah loo dhigaa caruurta reer Adal cuqdad ku saabsan nacaybka qabiiladaas sida Daarood oo xiriir aad u fiican ka dhexeeyo bulshada reer Adal..

Waxay kaloo abuureen kooxo diintoodu lacag tahay oo hadda baryahan dambe soo baxay oo sheegta in ay reer Adal iyagu yihiin hooyada Somaliland marar badana ku hadla afka SNM.

Kacdoonka reer Adal ayaa heerkii ugu sareeyay maraya intii uu ka curtay gudaha dalka waxayna soo afjareen jaraaido taageera SNM waxayna aduunka u sheegeen in xolaha lagu cunayo magaca Somaliland in reer Adal waxba ka soo gaarin..waxana SNM hadda lagu yiraa waxaad ka mid tihiin federaalka la sheegayo iyo ma dhanidina ee isa soo dhamaystira.

Kacdoonku wuxuu durba aduunka tusay heerka ay bulshadoodu ka taagan tahay inay dib u soo ceshadaan maamulka goboladooda oo hadda ay ka shaqaystaan beesha dhexe.

Warbixin lagu qorey jaraaido ka soo baxa Ingiriiska oo awal ku noolaa beenta SNM ayaa hadda qora in Ingiriiska dantiisu ku jirto in uu xiriir fiican la yeesho shacbiga Somaliyeed iyo dawlada taagta daran ee Xamar si ay khayraadka dalka qaybtooda u helaan.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

 

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Ururka samafalka MG oo London ku doortey gudoomiye cusub

July, 24, 2023
Ururka samafalka ee MG ayaa caawa gudoomiye cusub ...

Samaroon isagaa halkaa is dhigay Dhulbahantana guushaa u dhow

July, 12, 2023
Siyaasi Cali Faarax Cabdullaahi ayaa sheegay in Dhulbahante ...

Qisada xanuunka badan ee Umu Salamah (xaaskii rasuulkeena (SCW)

June, 6, 2023
Umu Salamah waxay markii dambe ka mid noqotey ...

Maxaa keenay in doorashada Turkiga xilligan uu adduunku isha ku hayo?

May, 13, 2023
Turkigu kama mid ahayn wadamada xilliyada doorashada isha ...

Samaroon karti xumaa haysa waana ta halkaa dhigtey: Cali Faarax C/llaahi

May, 5, 2023
Waa u jeedaan in Harti goonideeda u baxday ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...