X

Kadib foolxumadii maanta shirkada diyaaradaha ee Turkiga oo talaabo qaaday

Shirkada diyaaradaha ee Turkiga ayaa hakisay duulimaadyadii ay ku tegi jirtey Jabuuti kadib foolxumadii maanta ka dhacday garoonkeeda. Maanta ayaa masuuliyiin ay ka mid yihiin la taliyaha madaxweynaha Fahad Yaasiin lagala soo degay diyaarada.


Fahad Yaasiin oo hadlay ayaa sheegay inay caafimaad qabaan haddana ay sugan yihiin Turkiga ayna sugayaan diyaarada xigta ee imaanaysa Muqdisho. Jabuuti oo sheekada la wada kooxda Xalane ayaa falka ay samaysay aad looga carooday.

Turkiga ayaa iyaguna aad uga carooday sida loola dhaqmay diyaaradeeda oo sidii dembi ay gashay dadkii ku jirey lagala soo degay kadibna lagu reebay garoonka.


ā€¯Maaha arin aan soo dhaweyn karno Jabuuti maxay u farogelinaysaa arimaha gudaha ee Somaliya ayuu yiri sarkaal magaciisa aan sheegin oo u hadlay shirkadda diyaaradaha. Lama garan karo in shirkadu ay dalban karto magdhow iyo Jabuuti bixin doonto.


Waxa sidoo kale waxa xaq u leh dadka la dhibey inay mag ka raadsadaan fadhiid ina Xuseen Rooble oo ilaa hadda ka aamusan fadeexad awgeed. Waxa la sheegayaa in dadka diyaarada la socday uu ku jirey meyd laga keenay Turkiga.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.