X

Kanada oo qaadaysa qoyska wiilkii u dhashay Siiriya ee baddu ku soo tuftay Turkiga: SAWIRO

Kanada ayaa ku dhawaaqdey in ay qaadayso qoyska wiilkii Siiriya u dhashay ee baddu ku soo tuftey Turkiga. Qoyska wiilkan ayaa la sheegay mar in loo diidey qoyskooda kale ee jooga Kanada in ay ku soo biiraan inta aanay baddu liqin soona tufin. Kanada ayaa sheegtay in ay soo qaadayso qoyska iyadoo muujinaysa arin bani aadamnimo.

Aduunka ayaa aad uga xumaaday kadib markii haweenay Turki ah ay soo sawirtey Alan oo ah ilmaha baddu soo tuftey oo foorara. Habaryarta wiilkaas oo ku nool Kanada ayaa saxaafada u sheegtay in walaalkeed inta ka hadhay qoyska la soo qaadi doono.

Jimcihii shalay ayaa saxaafada Kanada soo bandhigtey ilaa lix qof oo baddu soo tuftey oo iyaguna rabay in ay Yurub u soo gudbaan xilli YUrub rabto in ay soo celiso qaar ka tirsan qoxootiga Siiriya ee jooga dalalkooda dhinaca amaanka awgood.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS.COM

admin:

This website uses cookies.