Friday, April 19th, 2024
header










Meta







Karintaa Hadaan Laga Guurin Gorayo Heeryeysan Baa Ka Soo Dhici

Xaajaba la yaab lehe, waxa soo baxay xogo cusub, oo ku salaysan maamulka askariga ( Raggii Ma Adigaa Ka hadhay) iyo tuugta uu ku shaqaysto. Muwaadin waxad beryahan dambe maqlay-seen, Madaxtoo-yadda baa loo rarayaa xaafadda galbeedka ee Hargaysa, waxana ay ummadu is waydii-naysay, maxaa keenay in loo baahdo in laga guuro Madaxtoo-yadda?

Iyadda oo aan wax qabin? lana kari Karin kharashka ku baxaaya? oo la lahaa ma awoodi karnaa wakhtigan? Miyaa la burburin doonaa? Ma wasaarad baa laga dhigi doonaa?



Ma ciidamaa la rabaa in la siiyo? Oo waxay noqon doontaa xero askareed? Su’aalo badan baa shicibka reer Somaliland isla dhex qaadayeen? laakiin aan jawaab loo haynin.

Waxay soo socota-ba, oo kolba adin soo qaada-ba, siddii jirjiroo-lahana midab aan keeddii ahayn oo hor leh, ay isku duug-taba maamulka askartu, haday meel ay ka baxdo la’dahay, oo iilka xabaasha lug la gashay, tii kalena la dul taagan tahay, ee ku soo dhawaadda waa tan xaqiiddii oo koorinay-saaye.



Kolay qaar hoosta ay ugu laaban tahay, wixii aabahen dilay, baa futadda ka ursan doonaa, oo aniga iska daayo, (CSW), haddii Rasuulkii illaah dib u soo nooleeyo, oo uu sheego waxan hoos ku qorani in ay run yihiin, siddii Abu-Jahal, Abu-Sufyaan, iyo yuhuuddii Maka dega-naan jirtay odhan doona waxba sheegi-maay Nebigu.

Iyaka oo si beelaysan ugu gacan siinaaya khaladka, misna kuugu soo marmar-siiyoo-naaya been hadoodilan, lehna Somaliland baa ninka waxan qorey meel kaga dhacayaa, oy doona-yaan in ay kuu sakhiraan, waxase la yaab leh kuwaasi ha is waydiiyeen, Maxaa qabyaaladda ay wadaana ka dhiggay wadaninimo?



Ta dadka mucaaridka ahna ka dhigay mid reereed? Waxoodda ka wadda dhigay sax? Waxa dadka kale leeyihiina sheeko beeleed? Ma toodaa kitaabka ku taal, oo waxyi lagu soo dejiyey?

Waxa weeye jawaabtu, aan kuu soo gaabiyo’e, sheekaddii ahayd ” Wanka macasha ii qabo, adigu gawrac ii mari, dhiigana an muusado” iyo qar iska xoorid aan meela loogu soo gabane, sirta ilaa daraad soo baxday, baan idin soo hor dhiga-yaaye, imikana maxay ku hadli?

Kuwii laga soo buuxin jirey, reer hebel nagu difaaca, idinkaa maamulka madax ka ahe. Mudo-ba waxan raadinaaya, sabatan keentay in laga guuro sadexdan guri ee ummadu leedahay, inkastoo hadda ay ayax iyo diiri ku xoonsan yihiin, oo uu ca-koodu seef yahay maca caleentii dhirta daaqay, kuwaas oo kala ah:-

(a) Gurigga Madax-tooyadda,

(b) Guriga Baarlamaanka,

(c) Gurtiga Guurtidda.

Hadaba Rumayso ama ha rumaysan, waxan xaqiiq-ddii soo helay, haday kaa baxayso iyo haddii kale-ba, oo run iyo biyo kama dhibcaan daba go’an ah, sababta loo raraayo in ay tahay, 3dda guriba waxa laga iibiyey mulkii-laha is-gaadh-siinta dadka lagu khasabo, in ay gashadaan gurya-hoodda ninka leh, ee loo yaqaano kaybal-ka ( Cable Tv), oo askariga Meesha sidda bahalkii la odhan jirey ” Oday geelii ba’ay” gebgetii ka dhamaatay, kolbana dhan u ordaaya bay isku xaafad yihiin, si cad buu u garanayaa ninka aan sheegaayo, ruuxii daacad ahi, kii kale-na yeelkii ee derbiga madaxa ha ku dhufto ” Ma dan baan ka leeyahay riyaa danabku laynaayo”. Waxa la yidhi, waa ruuxaas isaga ah, ninka ka daambeeya arinta 3dda guri.



Waxa cadaan ah in uu sii bixiyey 50%, 20 % loo xisaabiyey lagactii uu ku bixiyey, in la boobo doora-shadda, 30% hadhayna uu gadaal ka bixin doono marka uu u baxo, ee la dhiso kuwa loo raraayo.

Waxa kale oo aan idiin hayaa saaka, oo si sir ah uga soo baxay, mid ka mid ah Komishanka dhuun qaataha ah, goob lagu kafta-maayo, in $ 1.5 milyan uu Nin-kaas isaga ahi uu yahay ka bixiyey, ee ku laaluushay Komishanka Wakhtiggii Doorasho Ku sheegtii in ay ku dhawaaqaan in uu helay Askarigu.

Buugaagtii Foorjeriga ahayd Iyana isaga ba soo samaeeyey, oo u qaybiyey Muraaqi-biintii Kulmiye ee askarigu uu watay. waxan ku soo cuna-duubay maqaalkan, Cigaal shidaad baa waxa laga hayaa, murti aad wax loogu qaato, wuxu yidhi, markuu ka yaabay sidda wax yihiin “

Karintaa hadaan laga guurin Gorayo heeryeysan baa ka soo dhici doonta” waana ay dhacday in ay aakhirkii ka soo booday iyadda oo heeryeysan, maamuylkan askar-tuna beladiisii way ka soo dhacday ummadda.

Qof kastaw-ba sidaad doonayso u qaado, kolay waan ogahay oo qaar baa, haddii quraan loo akhriyo, odhan doona riwaayaddii jeel-iyo-jacayl buu wadaa, waxan-se kaga ciil la’ahay, haddii ay idhaha dhiig ka keena-yaan aanan u jooji-nayn, ee aan weliba wado in an soo xaqiijiyo wax-yaabo kale , oo aan ku daba Jiro, markaan soo helo-na aan miiska soo dhigi doono, marka illaah idmo, ee aan gunta soo taabto, sidaa iyo nabad gelyo, iyo inaka oo halkan ka wadda socon doona, haddii Eebbe yidhaaho.

*N.B Wanka Macasha Ii Qabo, adigu gawrac Ii Mari, Dhiigana An Muudsado”
Qore:- Cabdi-Shootali



Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...