Magaalada Adis-ababa ee dalka Itoobiya ayaa lagu wada inuu todobaadkan mar kale uu dib uga furmo wada hadalkii u dhaxeeyay Jamhuuriyada Somaliland iyo maamulka Khaatumo.
Waxaa loo balansan yahay 17-ka bishan aynu ku jiro ka qabsoomo caasimada dalka Itoobiya ee Adis-ababa.
Kaliya waxaa la sugayaa ee dib u dhigeyna ay tahay shir-madaxeed ka socda dalka Itoobiya halkaasi oo saldhig u noqon doonta wada hadala Somaliland iyo Khaatumo.
Waxaana wada hadalka Somaliland iyo khaatumo sida ay wararku nagu soo gaadhayaan qayb libaax ka qaadanay wasiirka arrimaha dibada ee dalka Itoobiya.
Dhawaan ayay aheyd markii Pro. Cali Khaliif Galeydh uu sheegay in la galayo hadaladii u dhaxeeyay Somaliland iyo Khaatumo “Miyaad haysaan cid aan Somaliland ahayn oo ina Ictiraafsan oo leh annaga iyo Khaatumo ayaa wada hadlayna, Puntland miyaad ka haysaan, wali Puntland miyay tidhi Khaatumo ayaanu maamul ahaan ula xaajoonaynaa? kor iyo hoos midna miyay u yidhaaheen?, Somaliland warka aanu ka heynaana waa wada hadlaynaa, waanu heshiineynaa, arrimo culus baa noo yaala Ilaahayna waxaannu ka baryaynaa qadiyad xaqa ayaanu leenahay inuu nagu taageero,’’ayuu yidhi siyaasi Cali Khaliif Galaydh oo ka hadlay xaflad kooxdiisu ku qabsatay magaaladda Buuhoodle.”
Maxamed Yuusuf
ARAABINEWS
Wararkii hore
Reer Awdalow shaqo haku darsanina dagaalada Isaaq kula jiro jaarkiisa
Madaxweynaha Awdalstate oo afka furtay. Waa shaqaale kuwa Hargeysa tagay
Halkan ka daawo adaa arki cida Suuriya u gacan gashay