X

Khaatumo State oo war ka soo saartey doorashada qabaliga ah ee maamulka Somalilaan

Maamulka Khaatumo State oo hore iyagu heshiis ula galay maamulka Somalilaan ayaa sheegay inayna haba yaraatee waxshaqo ku lahayn doorashada beri ka bilaabmeysa degaanadaas maamulka.


Shir jaraaid oo ay ku dhanaayeen dhamaan maamulkii Khaatumo State oo uu ku jiro madaxweynihii hore ee Khaatumo Indhasheel ayay ku sheegeen in Khaatumo banaanka ka joogto.

Tan waxay dhabarjab ku tahay maamulka Somalilaan oo sheegan jirey in doorashadu ka dhacayso gobolka Sool oo ay joogaan Laascaanood oo keliya halka gobolka intiisa kale ay haystaan nidaamyo kala nooca.


ā€¯Aduunkuna waa ogyahay inaan shaqo ku lahayn doorashadaas maamulka na sheegta uu ka qabanayo ugu yaraan Laascaanood ayuu yiri madaxweyne Indhasheel.

Maxamed Yuusuf

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.