Wednesday, May 8th, 2024
header










Meta







Khabiirka nukliyeerka Bakistaan oo sheegay in nukliyeer ku garaaci karaan Delhi muddo shan daqiiqo ah iyo jawaabta

Khabiirka Bakistaan u sameeyay awooda nukliyeerka waa ninka lagu magacaabo C/Khadeer Khan ayaa markii ugu horeeyay qarxiyay in Bakistaan awood u leedahay in ay nukliyeer ku garaacdo Delhi in ka yar shan daqiiqo marka amarka la bixiyo.

C/Khadeer Khan ayaa sanadihii todobaatankii kahor wax ka bartey wadanka Jarmalka halkaas oo uu xaday sida loo sameeyo awooda nukliyeeerka si geesinimo lehna u baray 50 ka mida dadkiisa halkaasna Bakistaan ku noqotey dalkii ugu horeeyay ee Muslim ah hadana haysta awooda nukliyeerka.

Inkastoo Bakistaan tahay dal aad u fiqiira hadana waxay aad ugu horumartey dhinaca difaaca dalkeeda lagamana yaabo in Hindiya oo Ruushka iyo Maraykanku aad u hubeeyeen ay ku soo dhiirato.

Waxase cadowgooda koowaad noqdey sida dalalka kale ee Muslimka ah argagixisada Talibaan iyo Daacish oo laga baqayo in ay xadaan ama gacantooda gasho qayb ka mida awooda nukliyeerka.

Hadaba jawaab ayaa markiiba ka soo baxday wasaarada difaaca Hindiya iyagoo sheegay in Bakistaan ay ku qaadanayso xilliga nabada ilaa lix saacadood in ay Hindiya ku weerarto, waxayse Hindiya ku faantey in ay Bakistaan oo dhan ku garaacayaan muddo gaaban.

Waxayna Khan uga digeen in uu ku dhawaaqo hadalo qayra masuulnimo ah, waxayna Hindiya sheegtay in awooda nukliyeerka loo adeegsado kaliya xaalada ugu dambeysa oo lagala maarsami waayo, oo marnaba ay macquul ahayn in layska tuuro hubkaasi sumaynaya dadka iyo duunyadaba.

Nukliyeertka ayaa ah naqas kaga taga halka uu ku dhaco burbur laxaadle oo ayna jirin nolol dambe ayna qaadanayso sanado sida dhulkaas dib loogu noolaadaa. Mase aha sida dadka qaarkii u haystaan mid wax u dhimi kara dhulka RABI abuurtey laakiin kaliye ah sun dileysa dadka iyo xoolaha ama nafleyda halka lagu dhifto ku nool, dhulkana sun kaga tageysa u baahan in laga sifeeyo sanado badan.

Dr Khadeer Khan oo laga sii daayay xabsi guri hadana ah 80 jir ayaa sheegay in ay dhimatey sharaftii ay saynisyahanadu ku lahaayeen Bakistaan. Khan ayaa sidoo kale sheegay in Bakistaan diyaar ahayd sanadkii 1984 in ay qarxiso nukliyeerkeeda balse ayuu yiri madaxweynihii xilligaasi waa Jeneraal Zia ul Xaq uu ka baqay in la soo weeraro milatari ahaan.

Bakistaan ayaa sanadahaasi heli jirtey caawimo ka timaada Maraykanka oo dib loogu riixayay awoodii Ruushka ee ka jirtey dalka hadda burburey ee Afgaanistaan.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS

Readers Comments (0)

Comments are closed.

Wararka xiga

Iiraan oo gaartay lix guul oo horleh weerarkii Yuhuuda

April, 16, 2024
Weerarkii Iiraan ay ku qaaday Yuhuuda ayadoo la ...

Yuhuuda oo qiratay in saldhig milatari iyo gego diyaaradeedba ku daayeen

April, 14, 2024
Weerarki xalay ee Iiraan ku qaaday Yuhuuda oo ...

Maraykanku ma ku dhacaa inuu weeraro Iiraan kadib weerarkii Yuhuuda?

April, 14, 2024
Iiraan ayaa hurdada u diiday Yuhuuda iyo kooxda ...

Wadamada Kuwayd, Qadar oo Maraykanka u diiday

April, 13, 2024
Wadamada Kuwayd iyo Qadar ayaa Maryaykanka u diiday ...

Iiraan oo maskaxiyan u dishay Yuhuuda xilli ayna far

April, 13, 2024
Iiraan ayaa wacad ku martay inay ka aargoosato ...

Dhacdooyinka

Sucuudiga oo safar raali gelina ugu tagay dabadhilifka Yukrayn

February, 26, 2023
Ayadoo madax ka tirsan Sacuudiga ayna weligood booqan ...

Dhulbahante oo ugu dambeyn ku heshiiyay inay is xoreeyaan

December, 31, 2022
Dhulbahante oo caadiyan ka kala adeegta maamul jufeedyada ...

Imaaraadka oo qirtey inay dhaceen maamulka Somalilaan

December, 29, 2022
Itoobiya ayaa iyadu ka baxday saami uu Tigreegii ...

Nin gabdhaha daroogeeya kadibna muuqaal ka duubta oo la qabtey

November, 20, 2022
Muqdisho caasimadii hore ee dalka ayaa noqotey bahalo ...

Ruushka iyo Shiinaha oo noqday saaxiibka keliya ee Somaliya

November, 20, 2022
Kooxda Xalane ayaa markale Somaliya ku giijisay cunaqabataynta ...

Qadar oo koobka adduunka ka faaiidey dad badan oo diinta qaatay

November, 20, 2022
Waxa furmay koobkii kubadda cagta adduunka waxana guuldaro ...

Madaxweynaha FIFA oo reer galbeedka ku tuntey

November, 20, 2022
Ayadoo maanta ay bilaabmayso koobka kubadda cagta aduunka ...