X

Kharashaadka ku baxay safarada Xasan Culusow oo la shaaciyay

Xasan Culusow ayaa ku sugan dalkaasi Maraykanka halkaas oo ilaa hadda aan la garanayn waxa uu ka qabanayo xilli ayna jirin gebi ahaanba wax maamula oo shaqaynaya. Kaaga daran ninka uu u magacaabay raiisal wasaaruhu waa fadhiidka aabihii aan waxba ka garanayn shaqada.



”Horaa loo yiri fadhiid wuxuu keensadaa fadhiid la mida waana ta ina haysata hadda ayuu yiri Cali Calasow. Xog hoose oo laga helay bangiga dhexe ayaa sheegay in kharashaadka ku baxay Xasan Culusow ilaa haddda safaradiisa ay gaarayaan afar milyan oo doolar oo ay dheertahay xaqal jeebka.

Safaradii uu ku tagay Ingiriiska ee uu u oynaayay duqdii bakhtiday ee haddana uu dib ugu noqday Maraykanka ayaa ugu kharash badnaa oo keligood isku noqday ku dhawaad milyan.



Fadhiid Xasan Culusow ayaa la sheegay inuu dhowr mashaariic u fulinayo Maraykanka oo ay ku jirto dekedda Berbera asagoo hore u soo celiyay askartiisii aan loo baahnayn ee uu kala baxay dalka.

”Waxa halkaas ku burburey mashruucii abaarta oo markii horeba ay wateen Maraykanka iyo hay’adihiisa dalka sida xad dhaafka u jooga oo ujeedadu ahayd sidii ay heli lahaayeen lacago dheeriya.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.