X

Khasaare ka dhashay rasaas ka dhacdey Xero ciidan oo ku taal Dhuusamareeb

Wararka ka imaanaya xerada 21-naad ee ciidankii hore ee qaranka ayaa sheegaya in rasaas ay fureen ciidan Ka tirsan nabad sugidda ay Ka dhasheen khasaare. Sida warka aan ku gelayno waxa xerada xilligaas ku sugnaa madaxweynaha maamulka Qoorqoor.


Rasaasta ayaa waxaa furey askar ka tirsan nabad sugida oo rabay inay xarunta galaan, waxase diidey askar ilaalo ah oo albaabka hore taagnaa kana tirsanaa kuwa milatariga. Waxase jira khasaaraha laba askari oo dhintey iyo laba shacab ah oo dhaawacantey.


 Waxa markiiba joojiyay rasaasta ciidamada milatariga. Ma jiraan wax faahfaahsan oo ka soo baxay  Galmudug inkastoo markiiba madaxweyne Qoorqooe loo galbiyay dhinacaas iyo guriga uu ka degan yahay magaalada.

Warar ayaa sheegay in Qoorqoor rabay in xeradan uu Ka dhigto guriga Galmudug laakiin waxa degan ciidanka milatariga.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.