X

Khasaare ka dhashay shil gaadhi oo ka dhacay gobolka Bari: SAWIRO

Inta la xaqiijay laba qof ayaa ku dhimatey qofna waa dhaawac kadib markii gaadhi xamuula oo sidey ADHI uu ku rogmadey wadada u dhaxaysa Boosaaso iyo Qardho. Gaadhiga ayaa kala xidhey wadada dhamaanteed.


Gaadhigan ayaa ADHI ka soo qaaday Qardho una waday magaalada Boosaaso m,arkii shilka dhacay. Waxa eeda la saarayaa dirawalka gaadhiga oo qayro masula maadaama jirin cid ka hor timi.

Wadayaasha gawaadhida ayaa inta badan sababa dhimashada dadka ee ku dhinta shilalka waayo waa qayro masuul ama ma laha tababarka xirfada gawaadhida kala duwan maadaama fowdo lagu Jiro.


Waxyeelo xoogleh ayaa gaartey riyaha farabadan ee uu sidey. Waxa lagu jiraa sidii wadada looga rixi lahaa si dadku u isticmaalaan.

C/llaahi Warmooge

ARAABINEWS

admin:

This website uses cookies.