X

Khudbada Jimcada ma lagu akhrin karaa Af-Soomaali?

Soomaalidu boqolkiiba boqol waxay ku hadashaa Af-Soomaali hadda weerar xun lagu hayo oo la rabo in la ciribtiro maadaama ayan jirin dawladii difaaci lahayd si aanu u noqon wax laga tagay oo la nacay barashadiisa.


Haddaba khudbada la akhriyo Jimcada ma kagu akhrin karaa Soomaali halkii lagu akhrin lahaa Af-Carabi oo dadka dhegaysanaya ayna boqolkiiba 98% fahamsamayn.

Jawaabta su’aashaas waa SAX waa lagu akhrin karaa Af-Soomaali waayo fariinta la gudbinayo haddii lagu fahmi waayo ma fariin ayaad gudbisay. Waxa madhabyada badankood isku raaceen in lagu akhrin karo luqada ay fahmayaan dadka loo akhrinayo.


Tan macnaheedu kama dhigna in Af-Carabiga laga tagayo waayo waxay kaloo culimada isku raaceen in arkaanka khudbada Jimcada oo aad u kooban lagu akhriyo Carabi. Arkaankaas oo inta badan duco iyo Alle bari ah.



Salaada lafteeda ayaa culimadu qabaan gaar ahaan kuwa madhabka Xanafiga in qofku ku tukan karo luqadiisa inta uu ka baranayo luqada Carabiga.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.