X

Ruushku keligii ayuu ka adkaaday Maraykan iyo intuu wato: ERDUQAAN

Madaxweynaha Turkiga Dayib Erduqaan ayaa yiri hadal aad uga caraysiiyay cajuus Baydan iyo xulufadiisa sii kala burburaysa. Maraykanka ayaa ku guulaystey inuu burburiyo dhaqaalihii reer Yurub kadib markii ay ogolaadeen inay cunaqabatayn isku soo rogaan.


ā€¯Ruushku si wanaagsan ayuu isaga difaacay weerarada qaawan ee uga imaanaya xulafada NAATO ee Maraykanku wato asagoo keligii, taasi waxay muujinaysaa iska caabin colaada ku socota ee aan waxba loola harin ayuu yiri Dayib Erduqaan.


Madaxweyne Dayib Erduqaan oo ka soo noqday shirka qabiilada Turkig loo yaqaan ee Turkigu ku jiro ayaa hadalkan ka nixiyay gaalka weyn ee Maraykanka.


Cajuus Baydan ayaa hore u sheegay inuu rabo in la inqilaabo madaxweynaha Turkiga laguna bedelo mid dabadhilif u ah iyaga oo aan lahayn siysaasad iyo difaac xora. Dayib Erduqaan ayaa xasuusan doonaa horumarka dalku ka sameeyay dhinaca difaaca.



Turkiga ayaa Ruushka ka helay difaaca ugu adag, waxana hadda uu dhisayaa warshadii ugu horeysay ee korontada ka dhalisa nukliyeerka ee wadanku yeesho halka reer galbeedku diideen.

Rashiid Ceelaanyo

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.