X

Wasiir Deeqa Yaasiin oo dacwad la fuushay nin dhiigeeda banaystey

Wasiiradii hore ee haweenka iyo xuquuqal iinsaanka dawlad dhexe ee Somaliya Deeqa Yaasiin ayaa sheegtay inay dacwad la fuushay nin dalka dibediisa ku nool oo dhiigeeda si toosa u banaystey. Ninkaas ayaa jooga dal sharcigu shaqeeyo, waxase la is weydiinayaa waxa ku kalifay inuu dhiigeeda xalaalaysto.



Wasiirad Deeqa Yaasiin ayaa sheegtay inay sinaba ku banaanayn in qof Muslima dhiigiisa la banaysto, waxase ninkani uu soo direy uu u direy dhiigmiiratada shabaab oo uu leeyahay hala dilo ayay yiri wasiirad Deeqa Yaasiin.


Wasiirada oo ka hadashay halka dacwaddu la gaartey ayaa sheegtay inay ku guulaystay in ninkaas wado laga mariyo oo lagu xukumay in muddo laba sanno oo u dhiganta hal sanno inaanu wax ka qori karin soona hadal qaadi karin iyada. Ninkan ay caydha Ka qaata dalkaasi Holan.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.