X

Kiiniya iyo Imaaraadka oo goostey lacago ay balan qaadeen haddii banaanbaxa sii socdo

Waxa niyadjab xoogweyn ku dhacay Kiiniya iyo Imaaraadka kadib markii uu fashilmey banaanbaxii Muqdisho ee loo balansanaa. Xogta aan ka helnayn ilo ku dhow huteel Jasiira ee magaalada Muqdisho oo ay fadhiyaan kooxda halka jufo ee sheegata madasha musharixiinta mucaaradka ayaa noo sheegay inuu yimi kala shaki weyn.


”Kiiniya iyo Imaaraadka waxay rabaan in banaanbuxu socdo waayo taasi waxay keenaysaa isku dhac, ayagoo isku dhacaas iyo wixii ka yimaada ay rabaan inay dusha uga saaraan madaxweyne Farmaajo aduunkana uga iibiyaan inuuna jagada sii joogin ayay tiri xogta aan helnay.

”Kooxda sheegata beesha caalamka oo iyaguna la khad ah Kiiniya iyo Imaaraadka ayaana rabin in loo arko inay qaska qayb ka yihiin, mana jecla banaanbaxa istaagey, waxa jira kala jab weyn ayay xogtu raacisay.


Kooxda sheegata madasha musharixiinta ee halka jufo ayaa iyagu si degdega u dalbadey inayna sii wadi karin banaanbaxyo dambe maadaama ayna haysan taageero ku filan aan ka ahayn dhowr shaqsiyaad oo cay keliya mooyee aan ku soo kordhin siyaasad ay ku hantaan dadka degan hareeraha Muqdisho ayuu yiri Cali Calasow.

Kala shakiga weyn ayaa jeebka kooxda sheegata madasha musharixiinta faaruqiyay, ayagoo ay soo eegayaan labada horjooge ee ku tiirsan ee Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ayuu raaciyay Cali Calasow.


Si kastaba ha ahaatee waxa adkaanaysa inay arbushaad dambe ka bilaabaan Muqdisho ilaa loo soo furo kharash aad u farabadan oo ay ku iibsadaan dhalinyaro u soo baxda. Taas oo ka dhigan in wadadu ku soo xirmeyso.

Rajada kooxdan sheegata madasha musharixiinta inay midkood dib u fuulo xukunka dalka ayaa aad u fog, maadaama hore u fashilmeen haddana is yiri gaalo ku xirta bal inay dib idiinka iibiyaan shacabka Somaliyeed.

C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.