X

Wasaarada caafimaadka oo qiratey arin halis gelisay bukaano jiifay isbitaal iyo Turkiga oo

ARAABINEWS

Wasaarada caafimaadka ee dawlada dhexe ayaa qiratey markii ugu horeysay in bukaano jiifay isbitaalka Martiini ee magaalada Muqdisho ay ka go’dey qalabka lagu keydiyo hawada aan neefsano. Hargabka Karoona ayaa markuu gaaro sambabada wuxuu keenaa in naqasku ku dhego bukaanada kadibna u baahdaan ogsajiin.


”Waxa aad noogu yar qalabka hawadeena ee aan neefsano waxase nasiib wanaaga in Turkigu la soo gaaray ayay tiri Marwo Fowsiya. Waxaan ku wargelinayaa shacabka inay taxadaraan afkana xirtaan haddii aad isku aragtana aad raadsataan caafimaad.


Wasaarada caafimaadka ayaa sheegtay in xarumaha caafimaadka ee hadda jira gaar ahaan gobolka Banaadir inay soo buuxsameen taasna loogu bahdey qalabka lagu keydiyo hawada aan neefsano.


C/llaahi Warhaye

ARAABINEWS


admin:

This website uses cookies.